Liverpool ayaa maanta ka baxsatay kooxaha kaabiga kusoo haya ee Manchester City, Arsenal iyo Aston Villa, kaddib markii ay guul 4-0 ah kasoo gaadheen Bournemouth, iyadoo min laba gool ay Vitality Stadium kusoo dhaliyeen Diogo Jota iyo Darwin Nunez.
Kooxda tababare Jurgen Klopp waxay hadda shan dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa kooxaha kusoo xiga ee isku dhibcaha ah, iyadoo yeelatay 48 dhibcood, laakiin waxay Reds mari doontaa imtixaan adag oo ay u baahan yihiin inay ka gudbaan si ay hoggaanka ugu sii negaan karaan.
Shanta ciyaarood ee soo socda ee horyaalka Premier League, waxa Arsenal, Liverpool iyo Manchester City kusoo fool leh ciyaaro adag, laakiin Liverpool waxa u dheer Carabao Cup oo lugta labaad ee semi-finalka ay la ciyaari doonto Fulham, halka FA Cup oo Reds ay hore uga reebtay Arsenal ay la ballansan tahay Norwich City.
Labada ciyaarood ee soo socda, Liverpool waxa ay la ballansan tahay Chelsea iyo Arsenal oo iskugu xigaya, kaddibna Burnley iyo Brentford ayay is-haleeli doonaan, halka shanta ciyaarood ee Premier League ay ugu soo xidhmayaan Luton Town.
Man City ayaa iyadana shanta ciyaarood ee Premier League ee soo socda, waxay ugu curanayaan Burnley iyo Brentford, ka hor inta aanay garoonka Etihad Stadium kusoo booqanin Everton, Chelsea iyo Brentford oo is-araggii labaad ah.
Arsenal waxa iyadana ay ku furan doonaan Nottingham Forest oo January 30 ay ballansan yihiin, kaddibna Liverpool iyo West Ham ayaa iskugu xigaya, halka Burnely iyo Newcastle ay yihiin kulamada afraad iyo shanaad.
Halkan kaga bogo min shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool, Man City, Arsenal, Aston Villa iyo Tottenham
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool
Chelsea (Minan) – Arbaca, January 31
Arsenal (Marti) – Axad, February 4
Burnley (Minan) – Sabti, February 10
Brentford (Marti) – Sabti, February 17
Luton Town (Minan) – Sabti, February 24
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Manchester City
Burnley (Minan) – Arbaca, January 31
Brentford (Marti) – Isniin, February 5
Everton (Minan) – Sabti, February 10
Chelsea (Minan) – Sabti, February 17
Brentford (Minan) – Salaasa, February 20
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Arsenal
Nottingham Forest (Marti) – Salaasa, January 30
Liverpool (Minan) – Axad, February 4
West Ham (Marti) – Axad, February 11
Burnley (Marti) – Sabti, February 17
Newcastle (Minan) – Sabti, February 24
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Aston Villa
Newcastle United (Minan) – Salaasa, January 30
Sheffield United (Marti) – Sabti, February 3
Manchester United (Minan) – Axad, February 11
Fulham (Marti) – Sabti, February 17
Nottingham Forest (Minan) – Sabti, February 24
Shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Tottenham Hotspur
Brentford (Minan) – Arbaca, January 31
Everton (Marti) – Sabti, February 3
Brighton (Minan) – Sabti, February 10
Wolves (Minan) – Sabti, February 17
Chelsea (Marti) – Jimce, February 23