Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maraya meel xaasaasi ah oo ay wali isku dheggen yihiin saddexda kooxood ee ugu sarreeya ee mid walba ay u dagaallamayso inay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Liverpool, Arsenal iyo Manchester City, kuwaas oo dhamaantood guulo soo gaadhay kulamadoodii toddobaadkan.
Liverpool ayaa 3-1 kaga takhalustay Sheffield United oo m;arti u ahayd, sidoo kalena Arsenal ayaa 2-0 kaga adkaatay Luton Town, halka Manchester City ay 4-1 ku dubatay Aston Villa oo isku dhax daadsanayd.
Natiijooyinkan ayaa waxa ay ka dhigan yihiin in Liverpool ay laba dhibcood ku hoggaaminayso horyaalka Premier League, laakiin waxa Axadda sugaysa ciyaar adag oo haddii ay guul ka keento ay fududaanayso dariiqa ay marayso kooxda tababare Jurgen Klopp illaa laga gaadhayo kulanka Tottenham.
Min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ayaa ah kuwo xaalado kala duwan gelin karaya saddexda kooxood, sababtoo ah waxa ay yihiin naadiyo kala awood badan, kala marxalado duwan oo waliba marti iyo minan iskugu jiri doona.
Jurgen Klopp ayay kooxdiisu tahay naadiga uu imtixaanka ugu weyn sugayo toddobaadkan oo ay marti u noqon doonto Manchester United, laakiin Arsenal ayaa dhinaceeda kulamada kusoo aaddan ay yihiin kuwo adag, waxaana sanka isku haya, Brighton, Aston Villa, Chelsea iyo Tottenham.
Manchester City oo Sabtida u tegaysa Crystal Palace ayaa ah kooxda kulamada ugu fudud ay kusoo aaddan yihiin illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka marka la barbar-dhigo ciyaaraha kusoo aaddan amaba u hadhsan Liverpool iyo Arsenal.
Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan Liverpool, Arsenal iyo Man City
Lixda ciyaartood ee kusoo waajahan Liverpool
Manchester United (A) – April 7
Crystal Palace (H) – April 14
Fulham (A) – April 21
Everton (A) – April 24
West Ham (A) – April 27
Tottenham Hotspur (H) – May 4
Lixda ciyaartood ee kusoo waajahan Arsenal
Brighton (A) – April 6
Aston Villa (H) – April 14
Wolves (A) – April 20
Chelsea (H) – April 23
Tottenham Hotspur (A) – April 28
Bournemouth (H) – May 4
Lixda ciyaartood ee kusoo waajahan Man City
Crystal Palace (A) – April 6
Luton Town (H) – April 13
Brighton (A) – April 25
Nottingham Forest (A) – April 28
Wolves (H) – May 4
Fulham (A) – May 11