Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa galay marxalad cusub markii ay shalay barbarro 1-1 ah galeen Liverpool iyo Manchester City, isla markaana ay Arsenal 2-1 kaga takhalustay Brentford.
Natiijooyinka usbuucan ee horyaalka Premier League ayaa waxa ay keeneen in Arsenal ay hoggaanka horyaalka kula wareegto farqiga goolasha oo ay kaga sarrayso Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, halka Manchester City ay u dhacday kaalinta saddexaad oo ay hal dhibic ka dambayso labada safka hore ku wada jira.
Saddexda kooxood ee ku loollamaya horyaalka Premier League, waxa mid walba u hadhsan toban ciyaarood oo tan iyo dhamaadka ah, kuwaas oo naadiga guulaha ugu badan ka keena uu libinta la hoyan doono xilli-ciyaareedkan.
Qormadeennan, waxa aynu ku eegaynaa koox kasta lixda kulan ee ugu soo horreeya ee tobanka ciyaarood ee u hadhsan, waxaana aad akhriste fikirkaaga ka dhiibataa kooxda ay dhibaatada badan sugayso ee ay kulamada waaweyn kusoo aaddan yihiin.
Arsenal waxa ay kulankeeda ugu soo horreeya ee horyaalka Premier League la ciyaari doontaa Manchester City oo ay ku booqan doonto Emirates Stadium, laakiin waxa ay ku nafisi doontaa Luton Town oo ugu xigaysa.
Gunners waxa aan wali loo sheegin waqtiga ay ciyaarayso kulankii Chelsea ee ka baaqday, taas oo marka la muddeeyo waqtiga la dheelayo iyaduna soo geli doonta liiska kulamada kusoo aaddan Gunners.
Marka laga yimaaddo Man City iyo Luton, Arsenal ayaa waxa ay isku diyaarin doontaa kulamada Brighton, Aston Villa, Wolves iyo Tottenham.
Liverpool ayaa waxa garoonkeeda Anfield ay ku qaabbili doontaa Brighton kulanka ugu soo horreeya ee lixda kulan ee kusoo aaddan, waxaana ugu xigaya Sheffield United iyo Manchester United, kaddibna Crystal Palace, Fulham iyo West Ham ayay israacsan doonaan.
Man City ayaa waxa iyaduna ciyaarteeda ugu soo horreysa ay ugu curan doontaa garoonkeeda Emirates Stadium oo ay kusoo dhoweynayso Arsenal, waana ciyaar aad loo sugayo oo fursad siin karta Liverpool.
City ayaa waxa ay markaas kaddib la dheeli doontaa Aston Villa, Crystal Palace, Luton Town iyo Tottenham Hotspur, ka hor inta aanay April 27 u tegin Nottingham Forest.
Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Arsenal, Liverpool iyo Man City:
Lixda ciyaarood ee kusoo aaddan Arsenal
Manchester City (Marti)- March 31
Luton Town (Minan)- April 3
Brighton and Hove Albion (Marti)- April 6
Aston Villa (Minan)- April 13
Wolverhampton Wanderers (Marti)- April 20
Tottenham Hotspur (Marti)- April 27
Lixda ciyaarood ee kusoo aaddan Liverpool
Brighton and Hove Albion (Minan)- March 31
Sheffield United (Minan)- April 4
Manchester United (Marti)- April 7
Crystal Palace (Minan)- April 14
Fulham (Marti)- April 20
West Ham United (Marti)- April 27
Lixda ciyaarood ee kusoo aaddan Man City
Arsenal (Minan)- March 31
Aston Villa (Minan)- April 3
Crystal Palace (Marti)- April 6
Luton Town (Minan)- April 13
Tottenham Hotspur (Marti)- April 20
Nottingham Forest (Marti)- April 27