Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaana iyadoo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin isku dheggen saddexda ugu sarreeya ee Liverpool, Manchester City iyo Arsenal oo min hal dhibic kala sarreeya.
Saddexda kooxoodba waxay usbuucan gaadheen guulo ay kusii xajisteen boosaskooda, laakiin waxa layaab lahayd natiijada ay Arsenal kala soo laabatay kooxda Sheffield United oo ay lix gool kusoo xasuuqday, halka toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalkana ay Gunners dhalisay 30 gool.
Liverpool oo Sabtidii ciyaartay ayaa waxa ay waqtigii dheeraadka ahaa guul kasoo gaadhay Nottingham Forest oo ay 1-0 kaga soo badisay iyadoo xilli dambe uu goolka madax ugu dhaliyey Darwin Nunez, halka Manchester City ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaadhay Manchester United.
Labada usbuuc ee soo socda waxa uu xiise gaar ah gelinayaa horyaalka Premier League, sababtoo ah saddexdan kooxood ayaa isku marmi doona oo wada ciyaari doona. Manchester City ayaa noqon doonta kooxda labada naadi ee ay tartamayaanba ay sugayaan.
Axadda ayay Man City u tegi doontaa Liverpool, kaddibna waxa ay la ciyaari doontaa Arsenal ciyaartooda xigta ee horyaalka Premier League, inkasta oo ay kasoo horreynayaan FA Cup iyo ciyaaraha caalamiga ah.
Haddaba, waa sidee min lixda ciyaarood ee ugu soo horreeya horyaalka Premier League ee kusoo aaddan saddexdan kooxood, midkee ayaase imtixaan adag mari doona?
Su’aashan waxa aynu kaga jawaabaynaa isbarbar-dhigga kulamada kusoo aaddan kooxahan oo la hubo in ay isbeddel ku samayn doonaan miiska kala-sarraynta gaar ahaan figta sare. Tusaale ahaan, Liverpool iyo Man City midkooda laga badiyaaba waxay lumin doontaa booska, haddii ay barbarro galaanna, waxa labadoodaba dhaafi doonta Arsenal.
Sidoo kale, kulanka Man City iyo Arsenal waxa uu faa’iido u noqon doonaa Liverpool, sababtoo ah midkooda laga badiyo waxa uu lumin doonaa saddex dhibcood, haddii ay barbarro galaanna waxay labadooduba waayayaan min laba dhibcood, taasna waxay fursad siin doontaa Liverpool.
Halkan kaga bogo min lixd ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan saddexda kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League:
Liverpool – 1aad (63 dhibcood)
Axad, March 10 vs Man City (Minan)
Axad, March 31 vs Brighton (Minan)
Khamiis, April 4 vs Sheffield United (Marti)
Axad,, April 7 vs Manchester United (Marti)
Axad,, April 14 vs Crystal Palace (Minan)
Man City – 2aad (62 dhibcood)
Axad, March 10 vs Liverpool (Marti)
Axad, March 31 vs Arsenal (Minan)
Arbaca, April 3 vs Aston Villa (Minan)
Sabti, April 6 vs Crystal Palace (Marti)
Sabti, April 13 vs Luton Town (Minan)
Arsenal – 3aad (61 dhibcood)
Sabti, March 9 vs Brentford (Minan)
Axad, March 31 v Man City (A)
Arbaca, April 3 vs Luton Town (Minan)
Sabti, April 6 vs Brighton (Marti)
Sabti, April 13 vs Aston Villa (Minan)