Weeraryahanka kooxda Inter Miami ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo aan la cayimin ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray ciyaartii finalka Copa America ee Axadii ay la ciyaareen Colombia.
Messi ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqadii 65-aad ee tartankii Axadii.
37 jirkan ayaa iska siibay kabtiisa midig, wuxuuna si tartiib uga baxay garoonka.
Waxaa la arkaayay dhaawaca messi inuu ahaa mid uusan ku ciyaari karaynin maadama ay barartay canqowga.
Messi ayaa ku guuleystey inuu qaado koobkiisii 45-aad ee xirfadiisa ciyaareed iyadoo Lautaro Martinez uu waqtigii dheeriga ahaa uu dhaliyay goolkii guusha ee Argentina ku qaaday koobkii 16-aad ee Copa America
Inter Miami waxa ay rajaynaysaa in ay xiddigeeda ku soo celiso garoonka sida ugu dhakhsaha badan.
Si kastaba ha ahaatee, waxay soo saareen bayaan ay ku xaqiijinayaan in Messi uu dhaawac ka soo gaaray canqowga isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo aan la cayimin.
Bayaanka ayaa lagu yiri: “Kadib qiimeyn caafimaad, waxaa la go’aamiyay in Leo Messi uu dhaawac ka soo gaaray canqowga midig.
Helitaanka kabtanka waxaa lagu go’aamin doonaa qiimeyn xilliyeedka iyo horumarka soo kabashada.”
Messi ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxda Inter Miami xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 14 gool waxana uu caawiye ka noqday 11 gool 15 kulan oo uu saftay.
Inter Miami, oo hadda fadhisa kaalinta labaad ee shi ayaa Arbacada caawa wajihi doonta Toronto, sabtidana Chicago Fire, ka hor inta aysan u weecanin inay diirada saarto difaacashada koobka horyaalada.