Xiddiga garab weerarka ugu ciyaara kooxda Barcelona Raphael Dias ‘Raphinha’ oo dhaliyay seddexley kulankii kooxdiisa 4-1 kaga badiyeen Bayern Munich, ayaa sheegay in guushani ay tahay mid gaar ah.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa qiray in ay hadda ka gudbeen kulan u dhigmay finalka Champions League” islamarkaana ay rajeynayaan ku guuleysiga tartanka sanadkaan.
“Wuxuu ahaa habeen aad u farxad badan, aad ayaan u faraxsanahay waxa dhacay, waxaan soo bandhignay ciyaar aad u wanaagsan koox ahaan, tani waa waxa iigu muhiimsan, waxaan gaarnay guushii labaad ee Champions League, haatan waa inaan ka fikirnaa kulanka xiga.
Mar la weydiiyay haddii tani ay tahay guul gaar ah, Raphinha ayaa ku jawaabay: “Waxaan horay u sheegay in kulankaan uu ahaa sidii finalka Champions League oo kale.
Xiddiga Barcelona ayaa xaqiijiyay in waxa ay garoonka dhexdiisa ka sameynayaan ay kaga jawaabeen shaki kasta oo laga qabay hamigooda xilli ciyaareedkan.
Wuxuu sheegay in guulihii u dambeeyay ee kooxdiisa Barcelona iyo Real Madrid ay gaareen ay ballan qaadayaan kulan weyn oo isbuuca dambe ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.