Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laga ganaaxayaa difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo oo casaan qaatay ciyaartii finalka Spanish Super Cup ee ay Real Madrid ku xasuuqday 4-1, taas oo laba kaadh oo digniin ah oo labadii qaybood ahaa loogu beddelay casaan.
Ronald Araujo ayay u ahayd habeen xun oo ay xaaladdu ku adkayd, waxaana saddex jeer ka baxsaday laacibkii waardiyaha looga dhigay ee Vinicius Junior oo markii uu laba gool oo uu ka daba-baxay ka dhaliyey ay dantu ku qasabtay inuu markii saddexaad xerada ganaaxa dhaxdeeda ku rido, taas oo keentay in lagu dhigo rikoodhe uu Vinicius Jr gool u beddelay, sidaasna ku qaatay saddexlaydiisii ugu horreysay ee uu ka dhaliyo Barcelona.
24 jirkan difaaca dhexe ah ayuu Xavi Hernandez usoo wareejiyey difaaca midig, si uu u xakameeyo Vinicius Junior oo uu ku noqday difaaca ugu adag, isla markaana soomiyey dhawrkii jeer ee ugu dambeeyey ee ay iska hor yimaaddeen, laakiin waxa xalay uu Vinicius ka dhaliyey saddex gool, iyadoo waliba casaanna loogu daray dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan tahay.
Immisa ciyaarood ayuu Ronald Araujo ku maqnaan doonaa casaanka? Waase kuwee kulamadaasi?
Ronald Araujo oo 24 jir ah, waxa uu kaadhkiisu ahaa laba huruudood/jaalle oo is-raacay oo casaan noqday, waxaana kaliya uu sharcigu dhigayaa in uu hal ciyaar oo kaliya ganaax noqdo.
Araujo oo sii murmay markii casaanka la siiyey oo gadood sameeyey lama filayo in ciqaab dheeraad ah lagu soo rogo, waxaase uu ka maqnaan doonaa kulanka wareegga 16ka Carabao Cup ee Unionistas de Salamanca ee Khamiista 18ka January.
Waxa uu dib usoo laaban doonaa ciyaarta horyaalka LaLiga ee Axadda ee Real Betis oo ah imtixaan adag oo kale oo ay marayaan, maadaama Betis ay ku jirto waqti wanaagsan.