Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Ilkay Gundogan ayaan waxba la hadhin, isla markaana bixiyey waraysi xaqiiqada uu ku taabtay kaddib markii ay kooxdiisu guul-darro xanuun badan kala kulantay PSG oo xalay ka reebtay tartanka Champions League.
Barcelona ayaa waxa 6-4 ku karbaashtay PSG isku-darka labadii lugood ee wareegga siddeedda Champions League, iyadoo xalay 4-1 lagu muquuniyey ciyaartii ka dhacday garoonkooda, halka lugtii hore ay guul 3-2 ah gaadhay Barca.
Guul-darrada weyn ee xalay soo gaadhay ayaa waxa sababta ugu weyn ka ahaa casaan uu daqiiqaddii 29aad qaatay Ronald Araujo oo qalad ku galay Bradley Barcola isaga oo ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyey oo uu da’yarka PSG dhaafay.
Ilkay Gundogan wax canaan ah ciyaartoyda kooxdiisa ma aanu u jeedinin markii ay ciyaartu dhamaatay, sababtoo ah waxa uu rumaysan yahay in labadii go’aan ee casaanka Araujo iyo rikoodhihii lagu dhigay Joao Cancelo ay u xagliyeen PSG.
Gundogan oo ugu horreyn soo qaaday go’aankii casaanka ayaa yidhi: “Anigu ma arkaynin, haddii uu garsooruhu sameeyey go’aankii saxda ahaana, wuu ku hagaagsanaa in uu casaan siiyo Araujo.
“Marxaladaha xaasaasiga ah, waa in aad hubiso in aad fursad u haysato in aad kubadda taabanayso marka aad ku loollamayso. Haddii kale oo aanad hubin fursaddaada, waa in aad ka fogaato oo aad ka durugto ciyaartoyga kale.
“Intii aad halis geli lahayd, waxa ka wanaagsan in aad weeraryahanka fasaxdo, sababtoo ah waxa fursad aad u haysataa in uu goolhayuhu badbaadiyo, amaba isaga ayaa khasaarin kara, laakiin in aad bilowga ciyaarta qaadato kaadh cas, waxa ay sababaysaa in ay kooxdaada u dhamaato.”
Xiddiga reer Germany waxa kale oo uu ka hadlay rikoodhe uu ku dooday in loo dhigo markii uu xerada ganaaxa ku dhacay, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay, in aan u qalmayey in rikoodhe la isiiyo. Waan ordayay, waanay caddayd inuu i joojiyey. Waxa aan u sheegay garsooraha in ay rikoodhe ahayd, haddana aniga ayuu kaadh isiiyey.”