Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa diiday inuu si toos ah uga hadlo sababihii ka danbeeyay in xiddiga Real Madrid Kylian Mbappé uu ka reebo xulka qaranka ee ciyaaraya bishaan November.
“Muxuu Mbappé uga mid ahayn xulkaaga ayaa la weydiiyay tababaraha France? wuxuu ku wajaabay waxaan horay u sheegay waxa loo baahan yahay, halkan waxaa jooga 23 ciyaaryahan. Kylian ma joogo halkan, iska ddaya isaga”
Deschamps uma yeerin Mbappé kulamada Faransiiska ee Nations League bishaan November. tani waxay dhalisay warar xan ah oo sheegaya in xiriirka Kylian iyo tababaraha uusan wanaagsaneyn.
Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Faransiiska, Philippe Diallo, ayaa durba ka jawaabay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka Mbappe ee xulka, isagoo yiri wax dhibaato ah oo u dhaxeeya ciyaartooyga iyo tababaraha majiraan.
Mbappe ayaa hoos u dhac weyn sameeyay tan iyo markii uu xagaagii ku biiray Real Madrid, wuuxu ku dhibtooday boos qaldan oo inta badan loo adeegsado
Wararka qaar ayaa sidookale sheegaya inuu jiro qilaaf u dhaxeeya isaga iyo tababaraha xulka kaasoo sababay in laga reebo liiska 23 ciyaaryahan ee xulka matali doona bishaan.
Saxaafada ayaa caawa markalr wax ka weydiisay tababaraha xulka France maqnanshaha Mbappe? wuxuuna si dareen leh ugu gaabsaday halkaan waxaa jooga 23 ciyaaryahan oo u baahan inay ciyaaraan ma joogo Mbappe taas waa sidaan hore u sheegay.