Halyeygii xulka qaranka England iyo kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa isaga oo qiyaasaya waxa uu sharraxay waxa dhici doona ciyaarta Manchester United iyo Liverpool ee Axadda berri ee garoonka Old Trafford, taas oo si weyn indhaha loogu hayo maadaama tababare Jurgen Klopp iyo wiilashiisu ay doonayaan inay guuleystaan si ay ugu sii negaadaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Liverpool oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League, ayaa haddii ay xilli-ciyaareedkan ku guuleysato koobka, waxa ay isku mid noqon doonaan Man united oo ay min 20 horyaal haysan doonaan, waxaase arrintaas ka dagaallamaysa United oo aan ogolaanayn in si fudud lagu soo gaadho.
Ian Wright oo weerarka uga ciyaari jiray Arsenal ayaa la weydiiyey waxa uu ka filanayo ciyaarta Manchester United iyo Liverpool ee Axadda, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan u baqayaa Man United. Liverpool waxa ay si aad ah diiraddoodu u saaran tahay horyaalka marka loo eego FA Cup, waxaanay u dagaallami doonaan si weyn.
“Waynu ognahay in Manchester United ay fiicnaan karto, laakiin Alejandro Garnacho oo kaliya ayaa halis abuuri karaya, Liverpoolna waxay doonaysaa inay halkaas u tagto inay kusoo guuleysato.”
Ian Wright oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Waan u walwalayaa Man United sababtoo ah waxa ii muuqata guul-darro weyn oo kale, waxay ila tahay in ay si weyn u qarsoomi doonaan.”