Halyeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa eedaymio kula dul-dhacay difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo uu ku duray bandhiggiisii liitay ee ciyaartii Fulham, waxaanu sidoo kale magacaabay afar ciyaartoy oo kale oo ay bartilmaameedsanayeen xiddigaha kooxda Fulham.
Arsenal ayaa laba guul-darro oo isku xiga kusoo xidhatay sannadkii hore ee 2023, waxaana uga horreysay barbarro ay lasoo galeen Liverpool, taas oo ka dhigan in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay lumiyeen siddeed dhibcood.
Gunners waxay hadda ku jirtaa kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, iyadoo shan dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka haysa.
Ian Wright oo ka hadlay sida ay kooxdiisa hore kusoo xidhatay sannadka dhamaaday iyo in ay hoggaanka waqti hore wareejiyeen, ayaa waxa uu sheegay in uu ka cadhooday sidii uu Gabriel uga hawlgalay joojinta goolkii guusha siiyey Fulham ee uu dhaliyey Robby De Cordova-Reid, waxaana uu xusay inay ahayd inuu si ka duwan u difaactamo.
Wright oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi: “Gabriel Magalhaes waa wiil weyn, Robby De Cordova-Reid na wuu yar yahay jidh ahaan, waxa aan filayay in Gabriel uu awood jidheed ku muquunin doono xaaladda.
“Waxa ay ka dallacantay madaxiisa, laakiin maxaa helay markii ay lugtiisa joogtay… waxa uu u dhaqaaqay inuu kubadda ka hor tago, halkii ay ahayd inuu sugo. Bal fiiriya fursadda uu haystay, wax dhaqaaq ah ma aanu samayn waqtiga oo dhan, mana ahayn wax sax ah.”
Dhinaca kale, waxa uu ian Wright canaantay afarta ciyaartoy ee Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Martin Odegaard iyo Declan Rice, waxaana uu yidhi: “Ciyaartoyda wanaagsan waa in ay ka faa’iidaystaan fursaddooda, kubaddana iskugu dhiibaan meelaha khatarta ah.
“Bukayo Saka kubadda wuu haysanayaa, markaa Saka waa in uu waxyaabaha qaarkood ka shaqeeyo sababtoo ah dadku way kusoo dhowaanayaan oo ay joojinayaan, waxa kale oo ay ku dhowaanayaan Gabriel Martinelli, waxay ku dhowaanayaan Martin Odegaard.
Kaddib waxa ay xaddidayaan kubbadaha Odegaard uga imanaya difaac, waxay sidoo kale joojinayaan baasaska Saka. Markaa waxa dhacaysa, in haddii la joojiyo Odegaard ay kooxda oo dhan istaagto.
“Haddii Delcan Rice la hor istaago oo uu joogsado, waxa uu kubadda u baasayaa dhinacyada, waa sidaa sida ay dadku ku shaqeeyaan. Markaa, muxuu yahay qorshaheena labaad (Plan B).”