Kooxda Real Madrid ayaa waxaa garoonkeeda ku ciqaabay 45 daqiiqo hore Borussia Dortmund kulan ka tirsan tartanka Champions League.
Ciyaarta oo ka socta hadda garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid waxa 2-0 ku hogaaminaya kooxda reer Jarmal ee Dortmund.
Xiddiga Malen oo si fudu kusoo galay sanduuqa waxana uu kubad qurux badan hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa daqiiqadik 30aad ee kulanka.
Gittens ayaa goolka labaad ugu daray Real Madrid oo dhibaatada ugu badan ka wajaheysa khadka dhaxe.
Tababaraha Madrid maxaa la gudboon qeybta labaad?
Waa inuu helaa nasiib uu ugu soo laabto kulanka, sidookale waa inuu keenaa Kubad joojiye maadaama BVB dhaxda ay ka heystaan kulanka.
Weerarka waa inuu kala qaadaa dhamaan weerarkiisa oo uu garoonka isugu keenay waayo iyaga ayaa culeys badan isku ah marka kubadu soo gasho xerada ganaaxa kooxda kasoo horjeeda.