Rio Ferdinand ayaa kula taliyay Ruben Amorim inuu Viktor Gyokeres usoo kaxeysto Man United ka dib seddexleydii uu xiddiga Sporting ka dhaliyay Champions League kooxda Man City.
Gyokeres ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisii wacnaa asagoo ka hoos ciyaaraya Amorim iyadoo tababaraha Sporting Lisbon uu 4-1 kaga badiyay Man City kulankiisii ugu dambeeyay ee Estádio José Alvalade ka hor inta uusan qaban Man United.
Phil Foden ayaa hogaanka u dhiibay Man City daqiiqadii afaraad, ka hor inta uusan Gyokeres khasaarin fursad dahabi ah oo uu shabaqa ku hubsan karay, isagoo si toos ah u garaacay Ederson.
Xiddiga reer Sweden ayaan wax qalad ah samaynin fursadii labaad ee uu helay isaga oo daqiiqadii 38-aad goolka bar-baraha u dhaliyay kooxda horyaalka Portugal.
Gyokeres ayaa markaas laba gool ku dhaliyay rigoore si uu u dhameystiro seddexleeydiisa,ka dib markii Maximiliano Araujo uu hogaanka u dhiibay Sporting daqiiqadii ugu horeysay ee qeybtii labaad ee ciyaarta.
Daaficii hore ee Man United Ferdinand, oo ka hadlayay TNT Sports, ayaa sheegay in kooxaha Premier League ay la yaabi doonaan sababta ay ugu guuldareysteen inay soo xerogeliyaan weeraryahankii hore ee Coventry City, kaasoo ku soo baxay mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu fiican Yurub.
“kooxaha Premier League waa inay madaxa xoqaan sida ay ugu ogolaadeen inuu baxo,” Ferdinand ayaa yidhi.
“Ma uusan helin waddo caadi ah, waddadii uu u maray dhanka sare ma ahayn mid toos ah.
“Waxa uu joogay Brighton isaga oo caruur ah, waxa laga iibiyay Coventry, waxa uu amaah ugu baxay Swansea, waxa uu ku laabtay Coventry si fiican ayuuna sameeyay, ka dibna waxa uu aaday Sporting Lisbon.
“Waxa uu soo maray safar uu ku doonayay in uu naftiisa ku dhiso oo uu ku abuuro waxa uu hadda yahay.
Saddexleydii uu dhaliyay Gyokeres xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigeysa mid leh 23 gool 17 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.Guud ahaan goolashiisa Sporting ayaa haatan gaadhay 63 gool 66 kulan oo uu ciyaaray.