Manchester United ayaa dhaqan-gelisay 12 bilood oo dookh ahaa oo ay ku kordhisay qandaraaska Aaron Wan-Bissaka, waxaanay sidoo kale qorshaynaysaa inay la gasho wada-xaajood lagu sii dheeraynayo qandaraaska 26 jirkan. (Mail)
Weeraryahanka Masar ee Mohamed Salah oo 31 jir ah, ayaa waxa uu kusii dhowaanayaa in uu ogolaado heshiis cusub oo uu qandaraaska ugu kordhinayo Liverpool, inkasta oo uu dalabyo waaweyn ka haysto horyaalka Sucuudiga. (Football Transfers)
Borussia Dortmund waxa ay rajaynaysaa in ay la saxeexan doonto difaaca bidix ee Chelsea ee Ian Maatsen oo ay amaah ama iib ku raadinayso. (Telegraph)
Manchester United waxaydoonaysaa inay la saxeexato garabka weerarka Crystal Palace ee Michael Olise oo 22 jir ah, waana saxeexa koowaad ee uu Sir Jim Ratcliffe samayn doono. (Standard)
Chelsea waxay diyaar u tahay inay fasaxdo difaaca reer Brazil ee Thiago Silva marka uu dhamaado qandaraaskiisu dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaase 39 jirkan sugaysa Fluminense oo doonaysa inay la saxeexato. (Football Insider)
Bayern Munich waxay dib usoo cusboonaysiisay damaceedii khadka dhexe ee Fulham ee Joao Palhinha oo 28 jir ah. Waxay sidoo kale Munich doonaysaa difaaca Chelsea ee Tevoh Chalobah oo ah 24 jir ay isku dayi doonaan inay la saxeexdaan bishan January. (Independent)
Arsenal waxay muhiimadda siinaysaa suuqa January inay la saxeexato difaac bidix, laakiin tababare Mikel Arteta waxa uu doorbidayaa inuu amaah kusoo qaato ciyaartoy halkii uu saxeex rasmi ah ka samayn lahaa. (Mirror)
Tababare Girona ee Michel Sanchez ayaa kusoo baxay kaalinta koowaad ee liiska tababareyaasha ay Newcastle doonayso inay ku beddesho Eddie Howe. (Marca)
Weeraryahanka Germany ee Timo Werner oo 27 jir ah ayaa waxa si weyn u doonaysa Manchester United oo qorshaheedu yahay inay amaah kaga soo qaadato RB Leipzig. (Mirror)