Harry Maguire ayaa sheegay in xiddigaha England ay doonayaan in Gareth Southgate uu sii joogo xulka wixii ka danbeeya Euro 2024 inkastoo lala xiriirinayo shaqada Man United.
Southgate ayaa la filayaa inuu ka tago England ka dib marka uu soo dhamaado Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya dalka Jarmalka.
Laakiin inkastoo Southgate, oo 53 jir ah uu ku dhow yahay inuu noqdo bedelka tababaraha Man United Erik ten Hag, Maguire wuxuu doorbidayaa inuu sii ahaado tababaraha England.
Maguire ayaa saaxiib dhow la ah Southgate, wuxuuna shaxda England ka ahaa joogto xitaa markii uu ku jiray qaab ciyaareedkiisii xumaa.
Maguire ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa inaan guulo ka gaarno Euro 2024. Ma eegayno Koobka Adduunka – Euro 2024 ayaa ah diiraddayada ugu weyn.
“Haddii Gareth uu yahay ninka naga dhigi kara kuwa guuleysta markaas waxaan dooneynaa inuu sii joogo muddo dheer.
“Wuxuu heystaa ixtiraamka ciyaartoyda iyo cid kasta oo ka hoos shaqeysay.
“Inaad ahaato tababare England waa shaqo adag. Waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag dunida.
“Waxaad kaliya eegtaa halkii aan joognay markii hore iyo halka aan joogno hadda. Qof walba wuxuu dhihi doonaa inaan hadda heysano ciyaartoy fiican.
“Laakiin sannadihii horeba waxaan heysanay ciyaartooy waa weyn, mana aheyn kuwa guuleysanayay.
“Wuxuu u qalmaa amaan badan, waxa uu ina geeyay meel dheer.”