Harry Kane ayaa ku amaanay Thomas Tuchel inuu yahay tababare cajiib ah iyo shaqsi aan la rumeysan karin kadib markii tababarihii hore ee Chelsea lala xiriiriyay shaqada England.
Xiriirka Kubadda Cagta England ayaa wali raadinaya bedelka rasmiga ah ee Gareth Southgate ka dib markii Lee Carsley si ku meel gaarka ah uu umaamulay xulka qaranka ciyaarihii ugu dambeeyay.
Waxaa la fahamsan yahay in FA-gu ay wadahadalo la yeesheen Tuchel, waxaana wararku sheegeen in 51-jirkaan uu aqbalay shaqada England.
Kane oo kala soo shaqeeyay Tuchel Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore, wuxuu taageero u muujiyay qorshaha FA-ga ku keenayaan tababarihiisii hore.
Run ahaantii, weli ma ima soo gaarin xog rasmi ah, laakiin waa mid u qalma shaqada England ”Kane ayaa u sheegay Sky Sports Germany.
Tuchel ayaa kula guulaystay koobab Bayern Munich, Chelsea iyo Paris Saint-Germain, wuxuuna ku dhawyahay in si rasmi ah loogu dhawaaqo shaqadiisa cusub ee England.
Tababaraha Jarmalka, oo hadda shaqo la’aan ah, waxaa sidoo kale wadahadalo uu la yeeshay Manchester United oo u aragtay bedelka Erik ten Hag, laakiin wax horumar ah lagama gaarin wada xaajoodka.