Arsenal ayaa loo gacan galiyay war farxax badan ka hor kulanka UEFA Champions League ee ay Inter Milan kula ciyaari doonaan garoonka San Siro habeenka Arbacada.
Sida laga soo xigtay khabiirka dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano, kabtanka Arsenal Martin Odegaard oo dhaawacmay ayaa maanta ku soo laabtay tababarka isaga iyo saaxiibadiisa kale ka hor kulanka Inter Milan.
Odegaard ayaan u ciyaarin Arsenal tan iyo dhamaadkii bishii August ee sanadkan sababo la xiriira dhaawac.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa dhaawac soo gaaray isagoo gudanaya waajibaadka qaran ee dalkiisa.
Waxa uu seegay kulamo badan oo ay ciyaartay Arsenal waxaa kujira guuldarooyinkii Bournemouth iyo Newcastle United.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin haddii maamulaha Arsenal Mikel Arteta uu isticmaali doono Odegaard kulanka Inter Milan ee habeenka Arbacada.