Horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan 2023/24 oo kala-badhka waxyar dhaafay, ayaa waxa uu tartan adag ka taagan yahay abaal-marinta kabta dahabka ah ee Golden Boot ee lasiiyo ciyaartoyga ugu goolasha badan, waxaana isku dheggen labada ugu sarreeya oo ay sidoo kalena kaabiga kusoo hayaan dhawr kale.
Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkii hore ku guuleystay abaal-marintan ayaa la saadaalinayaa inuu mar kale qaadan doono, laakiin waxa uu tartan adag kala kulmayaa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo ay hadda isku mid yihiin.
Haaland ayaa kasoo laabanaya dhaawac uu kaga maqnaa garoomada dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana uu heli doonaa fursad uu kaga baxsado Mohamed Salah oo aan toddobaadyada soo socda ka maqnaan doona kooxdiisa isaga oo ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Afrika ee AFCON oo muddo bil ah ka socon doona waddanka Ivory Coast.
Salah iyo Haaland ayaa min 14 gool ka dhaliyey horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, hase yeeshee Heung-min Son ayaa isaguna Tottenham u saxeexay 12 gool, halka weeraryahanka Bournemouth ee Dominik Solanke uu isaguna ku jiro xilli-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa oo uu dhaliyey 12 gool oo Premier League.
Jarrod Bowen oo West Ham ah ayaa 11 gool dhaliyey, balse waxa wacdaro dhigaya xiddiga reer Korea ee Hwang Hee-Chan oo isaguna toban gool u saxeexay kooxdiisa Wolves.
Waa kuwan tobanka ciyaartoyga ee goolasha ugu badan ka dhaliyey Premier League xilli-ciyaareedkan
1= Erling Haaland (Man City) – 14 gool
1= Mohamed Salah (Liverpool) – 14 gool
3= Heung-min Son (Tottenham) – 12 gool
3= Dominic Solanke (Bournemouth) – 12 gool
5. Jarrod Bowen (West Ham) – 11 gool
6. Hwang Hee-Chan (Wolves) – 10 gool
7= Ollie Watkins (Aston Villa) – 9 gool
7= Alexander Isak (Newcastle) – 9 gool
9. Cole Palmer (Chelsea) – 8 gool
10= Callum Wilson (Newcastle) – 7 gool
10= Bryan Mbeumo (Brentford) – 7 gool
10= Nicolas Jackson (Chelsea) – 7 gool
10= Joao Pedro (Brighton) – 7 gool
10= Chris Wood (Nottingham Forest) – 7 gool
Asc