Waxaa soo dhamaaday xalay wareegii 16ka Champions League iyadoo sideed kooxood ay xaqiijisteen wareega xiga, waxaana xalay hartay kooxdii finalka gaartay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Inter Milan.
Seddex kooxood oo Isbaanish ayaa u soo gudbay wareega 8da Champions League kuwaasoo kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid. Halka labo kooxood ay matalaan horyaalka Premier League: Arsenal iyo Man City iyo labo kooxood oo matala Jarmalka: Bayern Munich iyo Borussia Dortmund iyo hal koox oo ka socota horyaalka Faransiiska Paris Saint Germain.
Kooxaha u soo gudbay wareega 8da Champions League:
Arsenal (ENG)
Atlético de Madrid (ESP)
Barcelona (ESP)
Bayern München (GER)
Borussia Dortmund (GER)
Manchester City (ENG)
Paris Saint-Germain (FRA)
Real Madrid (ESP)
Halkeeda Ka Daawan Kartaa Isku Aadka Champions League:
UEFA ayaa si bilaash ah u baahineysa isku aadka wareega 8da iyo semi-finalka Champions League maalinta Jimcaha. Marka uu isku aadka bilaabanayo oo ku aadan 2pm Saacada Geeska Afrika, 11am Waqtiga UK iyo 12pm Waqtiga Yurubta Dhexe waxaad ka daawan kartaa website-ka UEFA adigoo raacaya linkigaan: UEFA.com
Goormaa La Ciyaarayaa Wareega 8da iyo Semi-finalka?
Wareega 8da lugta hore: 9/10 April 2024
Wareega 8da lugta labaad: 16/17 April 2024
Semi-final lugta hore: 30 April/ 1 May 2024
Semi-final lugta labaad: 7/8 May 2024
Goormee la ciyaarayaa finalka?
Finalka sannadkan waxa uu ka dhacayaa garoonka Wembley 1da bisha Juun. Wembley waxay martigelisay finaladii ugu badnaa ee tartamada Yurub marka loo eego garoomada kale.