FIFA ayaa ku dhawaaqday in ay wax ka badashay hanaanka cod bixinta ee wadamada doonaya in ay marti galiyaan koobka adduunka taas oo si weyn kor ugu qaadaysa hamiga Sucuudiga sida ay sheegayaan wararku.
Dalka Bariga Dhexe ayaa doonaya inuu martigeliyo Koobka Adduunka 2034, waxaana la filayaa inuu helo codadka loo baahan yahay ka dib markii FIFA ay wax ka bedeshay habka loo bixiyo tartanka.
Markii hore, waxaa jiray codad kala duwan oo loogu talagalay Koobka Adduunka 2018 iyo 2022 ee lagu qabtay Ruushka iyo Qatar siday u kala horreeyaan, laakiin taasi hadda waxa loo beddeli doonaa waddamada u tartamaya inay qabtaan koobabyada soo socda ee tartanka caanka ah.
Taas bedelkeeda, FIFA waxay go’aansatay in codadka tartamada 2030 iyo 2034 la qabto hal mar taas oo ah sharci la yaab leh oo beddelaya maamulka kubbadda cagta adduunka.
Go’aanka wax ka bedelka habka abaalmarinta ayaa la macno ah in haddii dalalku ay doonayaan inay u codeeyaan Sacuudi Carabiya markaas ay sidoo kale u codeyn doonaan Spain, Portugal iyo Morocco kuwaas oo doonaya inay martigeliyaan Koobka Adduunka lix sano gudahood.
Si kastaba ha ahaatee, Sacuudi Carabiya ayaa ahaa dalka kaliya ee soo gudbiyay dalabka Koobka Adduunka ee 2034 ka hor dhammaadka sannadkii hore iyaga oo doonaya inay sii wadaan maal-gashigooda weyn ee ciyaaraha adduunka.