Garsoore Gil Manzano kaliya ugama careysiinin Real Madrid inuu ka horjoogsaday guul soo laabasho ah, laakiin waxa uu sidoo kale casaan toos ah siiyay Jude Bellingham oo ka cabanayay goolkii laga diiday.
Xiddiga Ingariiska oo moodayay inuu dhaliyay goolkii guusha ee Los Blancos ayaa aamini waayay waxa dhacay, wuxuuna u tagay garsooraha isagoo ka cabanaya in goolkiisa la diiday.
Xiddiga Real Madrid oo qeylinaya ayaa ku yiri garsooraha “f*cking waa gool. Kubada hawada ayay ku jirtay!”, garsooraha ayaana uga jawaab celiyay inuu casaan toos ah siiyo.
Go’aanka casaanka ayaa si weyn uga careysiiyay tababare Carlo Ancelotti in ka badan inta ay ka careysiisay goolkii la diiday.
“Ma fahmin sababta casaan loo siiyay, sababtoo ah Bellingham wuxuu u hadlay qaab asluub leh.” ayuu yiri Carlo Ancelotti ka dib ciyaarta.
Hadalka uu yiri Bellingham ayaa haatan sabab u noqonaya in laacibka Ingariiska uu hal kulan ganaax ku seego. Garsoore Manzano ayaa ereyada uu ku hadlay Bellingham ku daray warbixintiisa ciyaarta laakiin waxa uu sheegay inuu hadalka u yiri qaab dagaal iyo qeylo ah.
Bellingham oo dhaawac ka soo laabtay, ma uusan ciyaarin ciyaartiisii ugu fiicneyd laakiin waxa uu u muuqday mid goolka guusha dhaliyay balse garsoore Gil Manzano ayaa seerigii lagu dhameynayay ciyaarta yareeriyay ka hor inta uusan karooska madax ku dhalinin xiddiga Ingariiska, isagoo ka horjoogsaday inuu wax ku daro 16ka gool ee uu ilaa iyo haatan dhaliyay.