Wariyaha ITV News Raage Omaar ayaa ka careysiiyay kooxda Liverpool ka dib markii uu ka hadlay tartanka horyaalka Premier League intii uu warka soo jeedinayay.
Wariyahaan rug cadaaga Soomaliyeed ayaa qarsan waayay taageeradiisa ka dib kulamadii horyaalka ee la ciyaaray Khamiistii.
Liverpool ayaa garaacday Sheffield United iyagoo ku soo laabtay hogaanka Premier League oo ay labo dhibcood kaga hayaan Arsenal.
Isagoo ka hadlayay guusha Liverpool, Raage Omaar ayaa yiri: “Haatana isboortiga, tartanka horyaalka Premier League ayaa weli aad la isagu dhow yahay iyadoo Liverpool ay ku soo laabatay hogaanka horyaalka.
“Waxay 3-1 ku garaaceen kooxda kaalinta hoose ee Sheffield United. Alexis Mac Allister ayaa dhaliyay goolkii guusha xaqiijiyay, Liverpool ayaana nasiib xumo waxay labo dhibcood ka sareysaa Arsenal.”
Si kastaba, Raage Omaar oo si weyn u taageere Arsenal ayaa hadalkiisa waxa uu kala kulmay dhaleeceyn badan oo uga timid taageerayaasha Liverpool.
Taageere ayaa soo qoray: “Wow, tani waa ceeb.”
Mid kale ayaa yiri: “Waan ka xumahay, waan ilaaway in warka 10ka uu ahaa warka Arsenal”
Qaar kale ayaa difaacay wariyaha, iyadoo taageere uu soo qoray: “Kaliya waa kaftan, Raage Omaar si weyn ayaa loo garanayaa inuu yahay taageere Arsenal.”
Arsenal ayaa mar kale ku soo laaban karta hogaanka Premier League madaama ay la ciyaarayaan Brighton ccawa oo Sabti ah..
Dhanka kale, Liverpool waxay Axada u safri doontaa Manchester United, halka Man City ayaa iyagana hogaanka la wareegi karaan madaama ay Crystal Palace la ciyaarayaan galabta,.