Guardiola ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu keyd dhigay xalay Kevin de Bruyne iyo Erling Haaland isagoo la ciyaaraya koox haatan ku jirta afarta sarre islamarkaana bishii December ku soo jiid-jiiday Villa Park.
Si kastaba, iyagoo ciyaaraya seddex kulan oo Premier League ah hal isbuuc gudaheed islamarkaana ay u sii dheer tahay wareega 8da Champions League iyo semi-finalka FA Cup oo ay bishaan April la balansan yihiin Chelsea, waxa uu Guardiola doorbiday inuu nasasiiyo labada xiddig.
Si kastaba, qamaarkii uu dheelay waa uu ku faa;iday iyadoo Phil Foden uu muujiyay inuu yahay laf dhabarta kooxda, ka dib markii uu seddexleey ka dhaliyay Aston Villa oo ay 4-1 uga badiyeen xalay, taasoo ka saaciday in Man City ay hal dhibic u jirto hogaanka horyaalka oo ay Arsenal la wareegtay ka dib guushii xalay.
Haaland oo isbuucyadii ugu danbeeyay wajahay eedeymo badan ayaa laga nasasiiyay cadaadiska saaran, waxaana haatan booskiisa buuxiyay Foden oo durba noqonaya laf dhabarta ay kooxda ku taagan tahay.
City iyo Arsenal waxay cadaadiska ku kordhiyeen Liverpool oo haatan u baahan inay jawaab ka bixiso kulanka ay caawa gurigooda kula ciyaarayaan Sheffield United.
Haddii ay Liverpool badiso markaas wax walba sidii hore ayay ku soo laaban doonaan oo iyaga ayaa hogaanka labo dhibcood ku heyn doono.
Laakiin City ayaa mar kale isbuucaan cadaadiska ku shidi doonta labada kooxood ay la tartamayaan madaama kulankooda Crystal Palace uu dhacayo ka hor kulanka ay Arsenal u safreyso Birghton iyo kulanka ay Liverpool u safreyso Manchester United.
Sibxasho kasta waa halis waqtigaan waana sababta Guardiola uu u baahnaa in Foden uu ismuujiyo si uu u caawiyo kulamada uga haray xilli ciyaareedka.