Manchester City ayaa lumisay hogaanka saddex gool oo ay ku haysay 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankii ay la ciyaareen Feyenoord, taasoo sii xoojisay dhibaatada kooxda iyo guul la’aantooda oo gaartay lix kulan oo tartamada oo dhan ah.
Pep Guardiola ayaa qirtay in taageerayaasha Manchester City ay xaq u leeyihiin inay buuq sameeyaan kadib markii ay arkeen kooxdooda oo hogaanka lumisay. David Hancko oo ka tirsan Feyenoord ayaa dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 89-aad, halka City ay markii ugu horreysay tan iyo 1963 ogolaatay in laga dhaliyo labo gool ama ka badan lix kulan oo xiriir ah.
“Taageerayaashu ma yimaadaan garoonka si ay u xasuustaan guulihii hore,” ayuu yiri Guardiola. “Waxay u yimaadaan inay arkaan kooxda oo guuleysaneysa oo si wanaagsan u ciyaaraysa, waana inaan sidaas samaynaa.
“Taageerayaashu mar walba way na taageeraan. Markaan banaanka ka ciyaareyno, taageerayaashayadu waa cajiib. Dabcan, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda, gebi ahaanba.”
City ayaa hoos ugu dhacday kaalinta 15-aad ee Champions League, waxaana Guardiola uu ku adkeystay in Josko Gvardiol uu baran doono khaladaadkiisa kadib markii mar kale lagu eedeeyay inuu horseeday soo laabashada cajiibka ah ee Feyenoord.
“Isagu aad buu u da’yar yahay, wuu baran doonaa,” ayuu yiri Guardiola. “Waxaan ku khaldanaan lahaa inaan farta ku fiiqo ciyaaryahan gaar ah. Ciyaarta way fiicnayd markii ay 3-0 ahayd, si fiican baan u ciyaarnay, laakiin ka dib waxaan ogolaanay goolal badan maxaa yeelay maanaan ahayn kuwo xasilloon. Waxaan siinay iyaga goolka koowaad, ka dibna midka labaad, taas ayaana ciyaarta adkaysay.
“Waxaan lumiynay ciyaaro badan maalmahan. Waan daciifannahay, dabcan waxaan u baahnayn guul. Ma garanayo haddii ay tahay arrin maskaxeed. Goolka koowaad waa inuusan dhicin, kan labaadna sidoo kale.”