Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ka dhawaajiyay in Lionel Messi uu taam u noqon karo wareega xiga ee kulamada caalamiga ah.
37-sano jirkaan ayaa haatan ku maqan dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray finalkii Copa America 2024 oo ay la ciyaareen bishii July xulka Colombia.
Messi ma uusan ciyaarin wax kubad tartan ah tan iyo finalkii Copa America.
Natiijo ahaan, Messi ayaan u safan Inter Miami tan iyo markii uu gool u dhaliyay kulankii ay barbaraha 3-3 la galeen St Louis City 2dii June.
Xulka qaranka Argentina ayaa sidoo kale ku qasban inuu la qabsado la’aanta Messi, iyadoo Argentina ay hadda ku tartamayso usoo bixida Koobka Adduunka 2026.
Maqnaanshaha Messi, Argentina waxa ay 3-0 kaga badisay Chile khamiistii gurigooda iyagoo uga mahadcelinaya dadaalka Alexis Mac Allister, Julian Alvarez iyo Paulo Dybala.
Iyadoo Messi uu awoodi waayay inuu xirto nambarkiisa 10-aad, Dybala ayaa la siiyay fursad uu ku buuxiyo lambarka caanka ah.
Weeraryahanka Roma ayaa la filayaa inuu xirto lambarka 10 mar kale kulanka caawa ee Colombia, laakiin waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo celiyo Messi wareega xiga ee ciyaaraha caalamiga ah.