Ivan Toney ayaa mar kale keydka uga soo kacay xulka qaranka England isaga oo qayb ka qaatay soo laabashadii saddexda libaax ee Slovakia xilli danbe oo uu badal ku soo galay wareega 16-ka ee Euro 2024.
Gool ku laadkii Toney uu ka dhaliyay Switzerland ayaa laga yaabaa inay ahayd rigooradii ugu weyned abid England.
Ka dib markii Saka uu ku qasbay in ciyaarta waqti dheeri lesla aado, England ayaa ku guuleysatay natiijada ciyaarta, iyadoo ay dhalisay dhamaan shanta rigoore, taasoo la micno ah in Pickford uu rigoore ka badbaadiyay Manuel Akanji ay ku filnaatay guusha.
Waxyaabaha dadka soo jiitay ayaa ahayd rigooradii uu dhaliyay Toney.
Weeraryahanka Brentford ayaa bedelay Kane daqiiqadii 109-aad, waxaana uu si cajiiba u dhaliyay rigoorada weliba isagoo aanan fiirinin kubada oo kaliya indhaha uu ku haayay goolhayaha.
Habkan wuxuu Toney u laada xirfadiisa oo dhan.
28 jirkaan ayaa dhaliyay 30 ka mid ah 32 rigoore ee uu tuuray.