Waa markii afraad ee xilli-ciyaareedkan 2023-24 ay kulmaan kooxaha isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Barceliona, waxaana mar kale loo golayn doonaa fiidka Axadda iyadoo wiilasha Carlo Ancelotti iyo Diego Simeone ay ku dagaallamayaan gudaha garoonka.
Saddexdii jeer ee hore ee ay wada ciyaareen oo kala ahaa LaLiga, Spanish Super Cup iyo Copa del Rey, waxa laba ka mid ah guuleysatay Atletico Madrid oo doonaysa in markii saddexaad hal xilli-ciyaareed gudihii ay garaacdo Real Madrid, waana arrin aan hore usoo dhicin taariikhda labadan kooxood.
Lugtii hore ee horyaalka LaLiga ayay Atletico Madrid si xun u garaacday Real Madrid, kaddibna Real ayaa kusoo noqotay saaxadda oo semi-finalka Spanish Super Cup kaga aargoostay, hase yeeshee Copa del Rey ayay Atletico na ka cidhib-tirtay Real Madrid, halkaas ayaanay labada kooxood kala joogaan illaa hadda.
Ciyaarta habeen dambe waa mid xiisaheeda leh waxaana ay Real Madrid la dhibaatoonaysaa hubanti la’aan khadkeeda difaaca ah, kaddib jug soo gaadhay Antonio Rudiger iyo ganaax lagu riday Aurelien Tchouameni, waxaase uu Ancelotti rajo ka muujiyey in uu ciyaari karayo Rudiger.
Real Madrid ayaa haddii ay guuleysato waxa ay Atletico Madrid ka horreyn doontaa 13 dhibcood oo nadiif ah oo horyaalka ah, haddiise ay Atletico Madrid badiso, waxa farqiga laga horreeyo ay ka dhigi doontaa toddoba dhibcood.
Qoramadan, waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa shan meelood oo laga go’aamin doono ciyaartan adag iyo xiddigaha dagaalku u dhexeeyo ee libinta kooxahooda laga sugayo.
1. Antonio Rudiger vs Alvaro Morata
12 jeer ayay iska hor yimaaddeen Rudiger iyo Morata, waxaana Morate uu inta badan si fudud ku burburinayay difaaca reer Germany isaga oo ka dhaliyey toddoba gool. Ciyaartii semi-finalka Spanish Super Cup ayaa uu Morata awoodi waayey inuu gool ka dhaliyo Rudiger, waxaana guul-darraysatay kooxdiisa, laakiin ciyaartii Copa del Rey oo uu kusoo laabtay shabaqa ayuu aargoostay.
Rudiger oo taam noqda oo aamusiiya Morata, waxay guusha u dhoweyn doontaa Real Madrid, haddiise uu Morata shabaqa soo taabto oo uu difaaca dhexe ee Los Blancos ka baxsado, waxa dabbaal-degga iyo farxaddu ay dhinaciisa jiri doonaan Diego Simeone.
2. Dani Carvajal vs Samuel Lino
Waa goob kale oo dagaal iyo dhinac ay labada kooxood mid walba ka sugayso natiijo wanaagsan. Dani Carvajal oo ah halyeyga Real Madrid ee ay u adeegsadaan difaaca iyo inuu kubbadaha ka keeno garabka, waxa sugaysa hawl adag oo ah inuu xakameeyo Samuel Leno.
Carvajal ayaa waxa uu waajihi doonaa 24 jirka reer Brazil ee orodka badan ee ay Atletico ay kasoo ceshatay amaah uu ugaga maqnaa Valencia, waxaana uu kusoo bilaaban doonaa difaac iyo garab bidix oo wada socda. Waxa uu leeyahay orod badan isaga oo beddelay Yannick Carrasco, waxaana uu xilli-ciyaareedkan Lino saxeexay lix gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.
In garabka midig ee Atletico ee Lino uu xakameeyo Carvajal, waxay keenaysaa in Morata uu waayo kubbadihii dhinaca bidix ka imanayay ee uu madaxa la beegsan lahaa.
3. Khadka dhexe vs Khadka dhexe
Labada kooxoodba waxay khadka dhexe ku haystaan ruug-caddaayo khibrad badan iyo ciyaartooyo da’yar ah oo tamar badan. Carlo Ancelotti waxa uu haystaa Federico Valverde, Eduardo Camavinga, Toni Kroos, Luka Modric iyo Jude Bellingham iyadoo uu ganaax kaga maqnaanayo Aurelien Tchouameni. Diego Simeone waxa uu isaguna haystaa Koke, Rodrigo de Paul, Marcos Llorente, Pablo Barrios iyo Saul Niguez.
Madrid Derby waxaynu goob-joog uga noqon doonaa iyadoo tababareyaashu isku badhxeen khubaradooda iyo da’yartooda isla markaana dagaal aan waxba la iskula hadhin ay isku qaadaan.
Carlo Ancelotti waxa uu awoodda saari doonaa inuu ku gacan sarreeyo khadka dhexe oo aanay si fudud kubbadu u gaadhin difaaca, isla markaana caawimo u helaan weeraryahannada Vinicius Junior iyo Rodrigo.
Vinicius Junior vs Antoine Griezmann
Waa laba saamayntoodu badan tahay laakiin uu midkood yahay hoggaamiyaha kooxdiisa, midka kalena uu yahay kiciyaha taageereyaasha iyo xamaasad-abuuraha.
Vinicius Junior waxa uu xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Real Madrid 11 gool oo dhamaan tartamada ah isaga oo kulamo badanna dhaawac ku seegay, halka Antonie Griezmann uu shabaqa soo taabtay 18 jeer oo 11 ka mid ah ay yihiin horyaalka LaLiga.
Ciyaartii u dambaysay, Atletico ayaa 4-2 ku garaacday Real Madrid ciyaar lagu daray waqti dheeraad ah oo wareegga 16ka Copa del Rey ah, waxaana gool qurux badan oo uu dhaliyey Griezmann eeddiisa iska lahaa Vinicius oo kubadda usoo celiyey, isla markaana difaaci waayey.
Joselu Mato vs difaaca Atletico Madrid
Dhinaca kale, Joselu ayaa ay u badan tahay inuu kusoo bilaaban doono weerarka dhexe ee Real Madrid kaddib wacdarihii uu ka dhigay ciyaartii Getafe oo uu laba gool dhaliyey, waxaana uu noqon doonaa khatar aan ka baxayn xerada ganaaxa Atletico Madrid oo ay difaacyahannada isla dhibaatoon doonaan.
Ciyaartii u dambaysay ee Copa del Rey, Joselu ayaa beddel kusoo galay waxaana uu dhaliyey gool isaga oo ay daawanayaan difaaca Atltico Madrid.
Axel Witzel, Jose Maria Gimenez iyo Mario Hermoso oo shaqo cajiib ah ka qabtay difaaca dhexe oo 39 ciyaarood oo ay iska garab dheelayeen aan wax goolal ah laga dhalin, ayaa ay u taallaa hawl adag oo ah inay shabaqa ka ilaashadaan Joselu oo dhinacyada ay ka caawin doonaan Vinicius Jr, Bellingham iyo xiddigaha kale ee Madrid.