Xiddiga Portugal – 2016 ayuu Xulkiisa u qaaday Euro- waa gooldhaliyaha abid ee taariikhda tartanka isagoo dhaliyay 14 gool.
Wali wax gool ah kama dhalin tartanka xagaagan laakiin waxa uu heysta fursad uu ku saxiixi karo gool kale iyo ku guuleysiga koob kale ka dib markii Portugal ay ku badbaaday rigooreyaal ay kaga badiyeen Slovenia wareega 16ka isla markaana ay ugu gudbeen wareega 8da.
Ronaldo wuxuu noqon doonaa 43 jir marka la gaaro Euro-ga soo socda, kaasoo lagu qaban doono Boqortooyada Ingiriiska iyo Republic of Ireland, wuxuuna xaqiijiyay waxa dad badan oo daawanayay ay ka shakiyeen iyo inuusan qorsheyneynin inuu ciyaaro.
“Waa, shaki la’aan, waa koobkii ugu dambeeyay ee Yurub,” Ronaldo ayaa u sheegay wargeyska Portuguese O Jogo ciyaarta ka dib.
“Laakin taas kama qiirronin. Waxaa i dhaqaajiyay waa wax kasta oo kubbadda cagta macnaheedu yahay – xamaasadda aan u qabo ciyaarta, xiisaha aan u qabo inaan arko taageerayaashayda, qoyskayga, jacaylka ay dadku ii qabaan, ayaa keentay inaan qiiroodo.
“Ma ahan ka tagis kubada cagta Adduunka, Maxaa kale oo jira oo aan sameeya ama ku guuleysta?
In aan dadka ka farxiyo ayaa ah waxa ugu dhiirigelinta badan.”
Ronaldo ayaa ku qasbanaaday in uu ka gudbo shucuur shaqsiyadeed ka dib markii uu rigoore qasaariyay rigoore kala bar waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, goolhayaha Slovenia Jan Oblak ayaana ka qabtay.
Ronaldo ayaa kadib ilmeeyay, waxaana sabarsiiyay asxaabtiisa Xulka.
Ronaldo ayaa sidoo kale yiri “Ma guuldareysatid haddii aadan isku dayin, “Dabcan waa niyad jab marka aadan gool dhalin, laakiin hadda waa la ilaaway.
Natiijada ugu dambeysa waa waxa ugu muhiimsan.
“Mararka qaar way adag tahay in rigoorayaal la dhaliyo.
Labo jeer ayaan rigoorayaal ku guuldareystay sanadkan laakiin maanta waan guuleystay.
Kubadda cagta waa inay noqotaa mid cadaalad ah mararka qaarkood maantana way ahayd.” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Cristiano Ronaldo.