Kooxda u tartamaysa horyaalka Spain ee Girona ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada oo ku saabsan Manchester City waxay kala kulantay wajigabax iyo carro uga timid taageerayaashooda.
Girona ayaa ka mid ah kooxaha lama filaanka ah ee laga yaaban yahay kubada cagta Yurub xilli ciyaareedkan, iyagoo in muddo ah hogaanka u hayay horyaalka La Liga ka hor inta aysan u degin kaalinta labaad markii ay Real Madrid kaalinta 1aad gashay.
Girona iyo Manchester City waxaa wada leh milkiilayaasha Carbeed ee Imaaraatka Carabta, waana sababta qoraalkii ay soo dhigeen baraha bulshada ee ku saabsanaa Manchester City uu ku noqday mid laga xishoodo.
Girona ayaa bogageeda bulshada ku shaacisay in seddexdii koob ee ay Manchester City ku guuleysatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay in lagu soo bandhigi doono garoonka kooxda.
Koontada rasmiga ah ee Girona ee Twitter ayaa lagu soo qoray: “Seddexda koob ee Manchester City ay ku guuleysatay, waxay taageerayaasha Girona fursad u heli doonaan inay si toos ah u arkaan oo ay sawiro la galaan koobabka qiimaha badan maalinta Sabtida 10ka ilaa 1da duhurnimo iyo Isniinta 6da ilaa 7da fiidnimo”
Qoraalkaan wuxuu ka careysiiyay taageerayaasha kooxda oo ku tilmaamay wax laga xishoodo in kooxdooda ay ku faanto koobab ay qaaday koox kale.
Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa faallo ku bixiyay: “Maxaa ku dhacay in koobabka la shaqeysto bedelkii koox kale koobabkeeda la soo bandhigi lahaa?”
Taageere Real Madrid ah ayaa isna yiri: ” “Hahaha dadka qaar ayaa lahaa Girona waa koox sharaf leh oo mudan inay horyaalka qaado. Haddii ay Real Madrid sidaas sameyn laheyd waan ka xishoon lahaa inaan dadka eego.”
Taageere kale ayaa yiri: “Qoraalkaan ceeb ayuu igu yahay, Alla ceeb weynaa.”