Garsoore Michael Oliver ayaan loo xilsaarin inuu dhexdhexaadiyo kulan ka tirsan Premier League toddobaadkan, kaddib markii lagu eedeeyay khalad wayn oo uu sameeyay.
Oliver ayaa markii ugu dambeysay dhex-dhexaadiyey kulankii wareegga shanaad ee FA Cup-ka ee dhexmaray Crystal Palace iyo Millwall. Intii lagu guda jiray ciyaartaas, wuxuu ku guuldareystay inuu joojiyo ciyaarta markii weeraryahanka Palace, Jean-Philippe Mateta, lagu dhuftay madaxa oo uu dhaawac halis ah soo gaaray.
Garsooraha ayaa kaliya kaadh cas toos ah u taagay goolhayaha Millwall, Liam Roberts, kaddib markii loo diray inuu dib u daawado dhacdadaas oo uu ku arkay shaashadda VAR ee garoonka. Mateta ayaa garoonka looga saaray bareelo kaddib markii uu helay daryeel caafimaad oo muddo dheer qaatay.
Weeraryahanka 27-jirka ah ayaa lagu sameeyay baaritaan qoto dheer oo ku saabsan dhaawaca madaxa, waxaana loo qaaday Isbitaalka St George’s.waxaa la tolay 25 qodob oo lagu dabiibay nabar halis ah oo ka soo gaaray dhagta bidix.
Garsoorihii hore ee Premier League iyo madaxa PGMOL, Keith Hackett, ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka hore ee Oliver. Hackett ayaa yiri: “Waa gef aad u xun, waana inaan isweydiinnaa sababta mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican adduunka uu ugu guuldareystay inuu isla markiiba bixiyo kaadh cas. Runtii, waa arrin aan maskaxda geli karin.”