Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ka hadlay dookhyada khadka dhexe ee uu haysto xulkiisa iyo iska garab ciyaarista Declan Rice iyo Jude Bellingham, kaddib guul-darradii 1-0 ahayd ee xalay ay kala kulmeen Brazil.
Wiilka da’da yar ee Ednrick ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee Brazil ay kaga dul-tallaabsatay England oo uu dhaawac kaga maqnaa weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane.
Marka ay Rice iyo Bellingham khadka dhexe ka wada ciyaarayaan, waxa soo baxday in hal-abuurkii kubbad-sameeyenimadu ay meesha ka baxday oo ay dhalliilo jireen. Conor Gallagher ayaa sidoo kale kusoo bilowday halka Kobbie Mainoo uu beddel kusoo galay.
Tababare Gareth Southgate oo la hadlay saxaafadda ayaa wax laga weydiiyey qaab-ciyaareedka khadka dhexe ee kooxdiisa waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay inay si fiican u shaqeeyeen. Conro waxa uu jooga boos ka duwan halkiisii caadiga ahaa, waxa aanu u riixnay hore. Waxa aanu awoodnay in aanu cadaadis badan saarno. Waxay ila tahay in Declan uu yahay ciyaartoy cajiib ah marka uu kubaddahayo iyo marka kaleb.
“Way yar yihiin ciyaartoydayada khadka dhexe. Ma haysano ciyaartooyo khad dhexe ah oo badan oo horyaalka ka dheela No.6, sababta aanu u keenay Kobbie sidaas ayay ahayd.”
Si kastaba ha ahaatee, England ayaa waxa khadka dhexe uga wada dheeli jiray Kalvin Phillips oo ay Man City amaah ugu dirtay West Ham iyo Declan Rice, halka khadka dhexe ee horena uu uga ciyaari jiray Jude Bellingham, balse ciyaartii xalay ee Brazil waxa Phillips booskiisa joogay Gallagher oo isaguna dhaxda hore tegay, halka Bellingham uu dib ugu soo noqday dhaxda dambe si uu u caawiyo Declan Rice.