Xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong ayaa la sheegay inuu u dhow yahay inuu ka tago kooxdiisa Barcelona, waxaana soo baxaya xogo cusub oo tibaaxaya in uu dhamaad ku dhow yahay waqtigii uu laacibkani ku qaadanayey garoonka Camp Nou.
26 jirkan oo si weyn loola xidhiidhinayey Manchester United xagaagii 2022, ayaa mar kale dib ugu soo noqday liiska xiddigaha laga doonayo Old Trafford ee xagaaga soo socda ay Red Devils isku dayi doonto inuu hormoodka u noqdo dibu-dhiska kooxdaas.
Manchester United ayaa la sheegay in ay dalab £70 milyan oo Gini ahaa ka gudbisay De Jong xagaagii 2022, waxaana heshiiska la dhamaystiray 90%, hase yeeshee heshiiska ayaa burburay markii uu laacibkani qirtay inuu doonayo inuu sii joogo horyaalka Spain.
18 bilood kaddib, Frenkie de Jong ayaa la sheegay in hadda uu dhamaad ku dhow yahay cimrigiisa Barcelona oo uu ka tegi doono xagaaga isla markaana Manchester United ay kusoo dhoweyn doonto Old Trafford.
Wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in ay isbeddeshay xaaladda Frenkie de Jong oo uu hadda isagu doonayo inuu iskaga tago kooxdan, isaga oo ka niyad-jabsan xaaladda ay kooxdu ku jirto, waxaana uu dhibsaday hadal-haynta sheegaysa in kooxdan ay suurtogal tahay in laga caydhiyo tartanka Champion League.
Barcelona oo ay ku socdaan baadhitaanno ay ku hayso UEFA ayaa dhinaceeda waxa dhibaato ku haya mushaharka xad-dhaafka ah ee laacibkan oo toddobaadkii u xaadira €624,000 Euro, iyadoo waliba la ogyahay in kooxdu ay iska bixin kari la’dahay mushaharka ciyaartoydeeda oo ay ku adkaatay diiwaangelinta saxeexyada cusub.
Manchester United ayaa haddii ay hesho Frenkie de Jong waxa ay ka garab ciyaarsiin doontaa Casemiro iyo Bruno Fernandes, iyadoo Kobbie Mainoo uu tartanka soo geli doono. Warar kale ayaa sheegaya in Man United ay iibin doonto Casemiro haddii ay la saxeexato De Jong.