France ayaa u gudubtay wareega Sideed dhamaadka ee Tartanka Xiisaha Leh Euro 2024 kadib ciyaar miisaan leh ku dhexmartay Magaalada Düsseldorf.
Ciyaartan waxaa daawanayay ninka Faransiiska kula guuleystay koobkii Adduunka ee Paul Pogba oo xulkiisa dhiiragelinayay.
Bilowga ciyaarta labada xul ayaa ka muuqatay fiijignan badan oo waxay ciyaarayen kubado degan.
Daqiiqadii 23aad ee ciyaarta De Bruyne ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo xulkiisa Belgiumka kadib markii uu laad xur ah ku laaday goolka balse waxa kubada si cajiib leh lugaha ku bixiyay Goolhaaye Maignan.
Daqiiqadii 33aad ee ciyaarta Kounde ayaa kubad qurux badan wuxuu madaxa u saaray Marcos Thuram balse goolka dushiisa ayuu marsiiyay.
France ayaa cadaadiska ku badiyay Belgiumka dhamaadkii qeybta 1aad ee ciyaarta Mbappe ayaa kubad ku dhex jiiday difaacyada Belgiumka wuxuna baas u dhigay Tchouameni balse darbadiisa waxay keentay inay kubada banaanka ay marto.
Qeybta 1aad ee ciyaarta waxa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan balse markii leskugu soo laabtay qeybta labaad Faransiiska ayaa xoojiyay handadaadisa waxayna sameeyen fursado badan.
Belgium ayaa dhankooda sameeyay isku dayo badan balse kuma filnaanin.
Daqiiqadii 84aad kubad si waali ah uga soo shaqeeyen xiddigaha Faransiiska waxaa gool u bedalay Kola Muani oo bedel kusoo galay ciyaarta, inkasto kubada ay kusii dhacday daafaca Vertonghen taaso loo qoray inuu isaga iska dhaliyay.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay France kaga adkaatay Belgiumka, sidaasi ayee france iskaga xaadirisay wareega xiga halka Belgiumka uu macsalaameeyay tartanka.
France ayaa sugaya xulka soo baxa Portugal iyo Slovenia.