Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay shaxda ugu fiican sanadka 2024 ee FIFPRO, taas oo lagu soo xushay 11-ka xiddig ee ugu wanaagsan sanadka.
Liiska ciyaartoyda ayaa ka kooban kuwa bandhig wanaagsan ka sameeyay horyaalada waaweyn iyo tartamada caalamiga ah, iyadoo weerarka ay hoggaaminayaan Erling Haaland, Kylian Mbappe, iyo Vinicius Jr.
Khadka dhexe ayaa isna la isugu keenay ciyaartoy waaweyn oo ay ka mid yihiin Rodri, Kevin De Bruyne, Toni Kroos, iyo Jude Bellingham, kuwaas oo qaab ciyaareed wacan soo bandhigay intii lagu jiray sanadka 2024.
Difaaca waxaa ka muuqda magacyada Dani Carvajal, Antonio Rudiger, iyo Virgil van Dijk, halka goolka uu waardiye ka yahay goolhaye Ederson, oo isna sanadkan muhiim u ahaa kooxdiisa iyo xulkiisa.
Shaxdan ayaa ah mid la soo bandhigo sannad kasta si loo aqoonsado ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida ee soo bandhiga qaab ciyaareedka ugu fiican. Waxaa sidoo kale ay tilmaameysaa ciyaartoyda saameynta ugu weyn ku yeeshay kubadda cagta caalamiga ah.