FIFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Koobka Adduunka ee 2034 lagu qaban doono Saudi Arabia, halka Spain, Portugal, iyo Morocco ay si wadajir ah u martigelin doonaan tartanka 2030.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in saddex kulan oo ka mid ah tartanka 2030 lagu qaban doono Argentina, Paraguay, iyo Uruguay, si loogu dabaaldeggo sannad-guurada boqolaad ee Koobka Adduunka.
Go’aannadan ayaa lagu shaaciyey kulanka degdegga ah ee FIFA Congress ee dhacay Arbacadii, kaasoo lagu xaqiijiyey martida labada tartan iyo xafladda qarniga. Dhammaan 211-ka waddan ee xubnaha ka ah FIFA ayaa ka qaybgalay kulankaas iyagoo adeegsanaya habka xiriirka fiidiyoowga.
Hannaanka codbixinta ayaa loo sameeyay laba wareeg:
1. Wareegga koowaad wuxuu Uruguay, Paraguay, iyo Argentina u xushay inay martigeliyaan xafladda boqolka sano.
2. Wareegga labaad ayaa xaqiijiyey martida wadajirka ah ee Spain, Portugal, iyo Morocco ee 2030, iyo Saudi Arabia oo loo doortay martigeliyaha Koobka Adduunka 2034.
Codadka waxaa lagu dhiibay qaab loo yaqaan “acclamation,” oo ah in xubnaha FIFA ay sacab ku muujinayaan oggolaanshaha iyagoo kaameradooda hor fadhiya.