Erik ten Hag ayaa ka careysiiyay taageerayaasha Manchester United ka dib ficil uu sameeyay markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay guuldarrada ka soo gaartay Crystal Palace.
United ayaa guuldarro ceeb ah kala kulantay Crystal Palace oo 4-0 ku badisay ciyaar ka dhacday garoonka Selhurst Park.
Ka dib qaab ciyaareedkoodii xumaa, ciyaartoyda Man United ayaa u tagay taageerayaashii soo safray iyagoo ka raaligeliyay guuldaradii ceebta aheyd ee dhabarka loo saariyay islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda
Si kastaba, tababare Ten Hag kama mid aheyn ciyaartoyda raaligelisay taageerayaasha, taas bedelkeeda wuxuu orod ku aaday qolka labiska.
Caadiyan marka ay sidaan dhacdo, waxaa dhaqan ka ah kubada cagta in tababaraha uu hogaamiyo ciyaartoyda islamarkaana uu ka raaligeliyay taageerayaashii soo safray qaab ciyaareedki xumaa ee ay daawadeen, laakiin taasi ma dhicin.
Taageerayaasha ayaana si weyn uga carooday falka uu ku kacay Ten Hag, iyagoo aaminsan inay tani muujineyso in tababaraha reer Holland uu ogsoon yahay inuu baxayo iyadoo lala xiriirinayo shaqada Bayern Munich.
Taageere ayaa soo qoray: “Xishood yeelo Ten Hag. Waa dhaqan aad u xun.”
Mid kale ayaa yiri: “Waxaan runtii bilaabayaa inuu kiraahsado ninkaas. Waa sharaf dhac wuxuu sameeyay.”