Marcus Thuram ayaa xubinta taranka ka qabtay Stefean Savic intii ay socotay ciyaartii Champions League ee u dhaxeysay Inter Milan iyo Atletico Madrid, VAR ayaana ku guuldareysatay inay wax ka qabato.
Iyadoo Atletico ay ciyaarta ku hogaamineyso 2-1 islamarkaana wadarta natiijada ay tahay 2-2. Thuram ayaa xubinta taranka uga dhegay Stefan Savic xilli ay kubad ku dagaalamayeen.
VAR ayaa hubisay dhacdada laakiin Thuram ayaa ka badbaaday in casaan la siiyo iyadoo xiddiga Faransiiska durbadiiba la bedelay.
Taageerayaasha kubada cagta ee baraha bulshada ayaana ka falceliyay dhacdadaan.
Taageere ayaa ku soo qoray Twitter: “Thuram wuxuu ku mashquulay meel qaldan.”
Mid labaad ayaa ku kaftamay: “Waa kubadii ugu horeysay ee uu Thuram awood u yeesho inuu koontaroolo.”
Mid seddexaad ayaa isweydiiyay: “Sidee ayay tani ku aheyn kaadh cas?”
Taageere kale ayaa soo qoray: “VAR waxay ku maqneyd suuliga markii ay arintaan dhaceysay.”
Marka laga soo tago dhacdadaan, Atletico Madrid ayaa rigoore ku garaacday kooxda hogaamineysa horyaalka Serie A iyadoo Lautaro Martinez uu cirka sarre mariyay gool ku laadkiisa.