Erling Haaland ayaa u jawaabay Trent Alexander-Arnold ka dib markii uu xiddiga Liverpool sheegay in koobabka Reds ay ka muhimsan yihiin kuwa Man City.
Liverpool iyo City ayaa fooda is dari doona kulan si weyn loo wada sugayo oo ka dhici doona garoonka Anfield maalinta Axada ah, kaas oo laga yaabo in lagu go’aamiyo tartanka horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa hal dhibic uga heysa hogaanka horyaalka kooxda Manchester City, iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay dooneyso inay ku guuleysato horyaalka markii ugu horeysay tan iyo 2020kii.
Ka hor kulanka waxaa durbaba hadalo kulul isweydaarsanaya xiddigaha labada kooxood iyadoo Trent Alexander-Arnold uu weerarka bilaabay markii uu sheegay in Man City ay koobabka iibsatay halka kooxdiisa ay dadaal iyo tayo ku gaartay guulaheeda.
Haatan waxaa u soo jawaabay weeraryanka Manchester City Erling Haaland oo isna weeraray daafaca midig ee Liverpool. Haaland ayaa sheegay in daafaca Liverpool uusan garaneynin dareenka ay leedahay in seddex koob la isku qaado.
“Haddii uu doonayo inuu sidaas yiraahdo.. waa OK.” ayuu Haaland u sheegay Sky Sports markii wax laga weydiiyay hadalka Alexander-Arnold.
“Waxaan halkaan joogaa hal sanno, waxaana ku guuleystay seddexda koob. Waa dareen aad u fiican. Uma maleynayo in Alexander-Arnold uu garanayo dareenkaas.”
Haaland ayaa hadalkiisa raaciyay: “Intii ay doonaan ayay hadli karaan. Intii uu doono ha hadlo isaga. Ma garanayo sababta uu sidaas u sameynayo laakiin waxba uma arko.”