Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa jawaab aan caadi aheyn siiyay Roy Keane ka dib markii uu dhaliyay afar gool oo ay ku jirto seddexleey uu dhaliyay qeybtii hore kulankii ay ka badiyeen Wolves.
Bishii Maarso ka dib markii uu ku dhibtooday inuu shabaqa ka soo taabto Arsenal, Keane ayaa ku tilmaamay xiddiga reer Norway in ciyaartiisa guud ay la mid tahay sida ciyaaryahan heerka afaraad ah.
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa u jawaabay Roy Keane waqtigaas isagoo sheegay in Haaland uu yahay weeraryahanka ugu fiican dunida kaasoo door muhiim ah ka qaatay seddexdii koob ee ay Man City isku qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Markii ay warbaahinta Viaplay weydiisay Haaland inuu hadalkii Roy Keane ee ahaa inuu ku heer yahay heerka afaraad ay ka dhigtay mid dardar geliya ciyaartiisa waxa uu ku jawaabay: “Xaqiiqdii waxa uu ninkaas dhaho waxba igama gelin, sidaasi darteed waxba uma arko.”
Haaland ayaa diiday inuu khabiir isboorti u aqoonsado Roy Keane kaasoo sidoo kale isbuucii hore sheegay in Haaland markii uu shabaqa soo taabtay uu haatan heerkiisa soo gaaray heerka labaad.
Manchester City ayaa 5-1 kaga badisay Wolves iyagoo weli hal dhibic ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.
Laakiin kooxda Pep Guardiola waxaa u harsan seddex kulan halka Arsenal ay u harsan tahay kaliya labo kulan.