Erling Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Uu Dhigay Halyeeygii Man United Ruud van Nistelrooy.
Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa ee 50 gool ku lug yeesha tartanka Champions League, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Feyenoord.
Haaland ayaa ku qaatay 44 kulan oo kaliya inuu gaaro rikoodhkan, isaga oo jebiyay rikoorkii uu horay u dhigay halyeeygii Manchester United Ruud van Nistelrooy, kaasoo 45 kulan u baahday si uu rikoodhkan u gaaro.
Inkasta oo Manchester City ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0, haddana kooxda reer Holland ee Feyenoord ayaa barbaro 3-3 ah la gashay. Si kastaba ha ahaatee, natiijadaas ayaa ka dhigeysa mid aan waxba u dhimin guusha gaarka ah ee Haaland uu ku gaaray taariikhda.
50-ka gool ee uu ku lug yeeshay Haaland waxaa ka mid ah 45 gool uu isagu dhaliyay iyo shan kale oo uu caawiyay.
Xiddiga reer Norway ayaa haatan ku taagan waddada uu ku jabin karo rikoodhka goolasha Champions League ee ugu badan waqti gaaban. Labadii gool ee uu dhaliyay ayaa tirada guud ee goolashiisa Champions League ka dhigay 46, isagoo ciyaaray 44 kulan oo kaliya.
Si uu u jabiyo rikoodhka, Haaland wuxuu u baahan yahay afar gool oo kale 17 kulan gudahood, taas oo u muuqata caqabad uu si weyn uga adkaan karo.
Manchester City ayaa horyaalka Champions League sanadkan difaacaneysa, waxaana Haaland uu weli ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda.