Erik ten hag ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin inuu sii ahaan doono tababaraha Manchester Unietd xilli ciyaareedka soo socda.
Culeys badan ayaa saaran tababaraha Old Trafford ka dib guuldaradii 4-3 ee ka soo gaartay Chelsea Khamiistii, markaasoo kooxdiisa labo gool laga dhaliyay labo daqiiqo gudaheed waqtigii dhimashada ciyaarta.
Guuldarada waxay keentay in Man United ay 11 dhibcood ka danbeyso kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa, iyadoo milkiilaha cusub Sir Jim Ratcliffe uu qorsheynayo isbedel weyn.
Macalinka xulka England Gareth Southgate iyo tababarihii hore ee Chelsea Graham Potter ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay bedelayaan Erik ten Hag.
Laakiin markii la weydiiyay haddii uu sii ahaan doono tababaraha Man United xilli ciyaareedka danbe, Ten Hag ayaa ku jawaabay: “Shaki kama qabo taas. Kaliya waxaan diirada saarayaa shaqadeyda, waxaan diirada saarayaa mashruuca aan wadno.
“Aad ayaan u jeclahay inaan halkaan joogo, waana ku riyaaqayaa tartanka.
“Mar walba mashruuca ma ahaanayo mid wada saxda ah ku socda, natiijooyinka mar walba ma noqonayaan sida aan rabno laakiin waan hubaa inaan ku socono jihada saxan, waana gaari doonaa halka aan higsaneyno.”
Manchester United ayaa Axada waxay Old Trafford ku soo dhaweyn doontaa kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kuwaasoo haatan hogaaminaya horyaalka Premier League.