Tababarah Manchester United ayaa rumaysan in kooxdiisu ay u baahan tahay inay hesho weeraryahan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga, halkaas oo uu sheegay inuu ka haysto walaac inkasta oo ay kooxdu fasaxayso Anthony Martial.
Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkan dhalisay 45 gool oo kaliya oo horyaalka Premier League, waxaanay isku goolal dhaliyeen naadiyada yaryar ee Luton Town, Brentford iyo Bournemouth.
Inkasta oo ay dhaawacyo ragaadiyeen ciyaartoyda kooxdaasl gaar ahaan ciyaartoydeeda weerarka sida Marcus Rashford iyo Anthoy Martial, ayaa waxa haddana ay haysataa Rasmus Hojlund oo xagaagii ay kala soo wareegeen Atalanta, kaas oo ay gool-dhalintu u furantay qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan.
Ten Hag oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Qorshahayagu waa in aanu dhisno kooxda, waana in aanu helno goolal nagu filan. Waxa aad goolal ka sugi kartaa Rashford oo xilli-ciyaareedkii hore dhaliyey 30 gool, waxa aad ku xisaabtami kartaan Martial oo xilli-ciyaaredkaygii koowaad goolal muhiim ahaa dhaliyey.
“Waxa aanu keenay dhaliye sare sida Rasmus Hojlund oo ah ciyaartoy dhalin karaya goolal nagu filan. Laakiin, waxa aanu haddana u baahanahay dookhyo kale oo weerarka ah.”