Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa loo sheegay laba ciyaartoy oo uu u baahan yahay inuu la saxeexdo xagaaga, si ay kooxdiisu ugu tartami karto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay uu dambaysay inay ku guuleystaan sannadkii 2013, waqtigaas oo uu Sir Alex Ferguson usii qaaday isaga oo kasii fadhiisanaya ciyaaraha.
Halyeyga Manchester United ee Dwight Yorke oo sannadkii 1998kii ay £12.6 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Aston Villa, isla markaana ka mid ahaa xiddigihii guusha taariikhiga ah ku hoggaamiyey Man United sannadkii 1999kii oo ay Premier League, Champions League iyo FA Cup isku darsadeen, ayaa waxa uu isku dayayaa inuu ka caawiyo Erik ten Hag sidii uu kooxda ugu soo celin lahaa tubta guulaha.
Dwight Yorke oo u dhashay waddanka Trinidad and Tobago ayaa waxay weerar halis ahaa wada-abuuri jireen Andy Cole, waxaana waraysi uu siiyey Gambling Zone uu farriin ugu diray tababare Erik ten Hag, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay inaynu u baahanahay ciyaartoy No.9 ah oo khibrad badan u leh horyaalka Premeir League.
“Ciyaartooyo wanaagsan, sida Son Heung-min oo noqon lahaa saxeex cajiib ah. Son ma aha sida Harry Kane oo kale laakiin waxa uu leeyahay tamar badan, waxaanu dhaliyaa goolal badan. Ciyaartoy isaga oo kale ah waxa uu noqon lahaa mid aad soo-jiidasho u leh, waxaana inay la saxeexato United haddii ay usoo gudubto Champions League xilli-ciyaareedka dambe.”
Intaas kaddib waxa uu magacaabay saxeexa kale ee uu doonayo in Ten Hag uu sameeyo, waxaanu yidhi: “Anigu ma hubo inta ay tahay da’da Frenkie de Jong, laakiin waxay ila tahay inuu wax badan oo aynu u baahanahay kusoo kordhin lahaa khadka dhexe, sida hal-abuur, kubbad-qaybin iyo khibrad.
“Waxa uu saxayaa dhamaan goobooyinka (shuruudaha ayuu buuxinayaa), waxayna ila tahay in haddii aynu isal helno oo ay iska garab ciyaaraan Frenkie De Jong iyo Kobbie Mainoo in aynu u muuqan lahayn koox cajiib ah xilli-ciyaareedka dambe.”