Erik ten Hag ayaa diiday inuu si cad uga hadlo mustaqbalkiisa ka dib markii la weydiiyay haddii kulanka Sabtida ee finalka FA Cup uu noqon doono kulankiisii ugu danbeysay ee Manchester United.
Inkastoo uu gaaray final seddex labo xilli ciyaareed gudaheed, Ten Hag ayaa qarka u saaran inuu waayo shaqadiisa Old Trafford ka dib markii ay Man United ku dhameysatay kaalinta 8aad ee Premier League islamarkaana si ceeb ah ay uga hartay Champions League.
Mauricio Pochettino, Graham Potter iyo Thomas Tuchel ayaa dhamaantood u sharaxan inay booskiisa buuxiyaan.
Laakiin markii la weydiiyay haddii kulanka Wembley ee Sabtida uu yahay kulankii uu macsalaameynayay Man United, Ten Hag ayaa diiday inuu xaqiijiyo.
Waxa uu yiri: “Waxba kama dhahayo su’aashaas.
“Kaliya waxaan diirada saarayaa shaqadeyda ay tahay inaan qabsado, waxaana ugu horeysa inaan badiyo kulanka Sabtida ka dibna aan sii wado mashruuca kooxda.”
Ten Hag ayaa u hadlay sida inuu filanayo inuu sii joogayo Manchester United xilli ciyaareedka soo socda inkastoo warbaahinta Ingariiska ay maalin walba qorayaan in la ceyrinayo xagaagan.
Waxa uu yiri: “Waxyaabo badan oo fiican ayaa dhacaya, ciyaartooy ayaa inoo soo baxaya, Sabtida waxaan heysanaa fursad weyn oo aan koob kale ku guuleysan karno.
“Xilli ciyaareed kasta marka uu soo dhamaado qiimeyn ayaan ku sameyneynaa, waxaana eegeynaa halka aan ka joogno mashruuca kooxda iyo waxyaabaha ay tahay inaan bedelno.”