Erik ten Hag ayaa lagu waramayaa inuu hal sharuud isaga casilayo shaqada tababare ee Manchester United.
Tababaraha reer Holland ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford isagoo kooxda u qaaday Carabao Cup una soo saaray Champions League.
Laakiin xilli ciyaareedkan Man United waxay gashay xaalad aad u xun, inkastoo ay soo iibsadeen xagaagii ciyaartooy dhowr ah oo la filayay inay kooxda u qaadaan heer kale sida Andre Onana, Mason Mount iyo Rasmus Hojlund.
Haatan, United waxay 13 dhibcood ka danbeysaa kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa, waxaana ceel ka dhacday rajadoodii inay Champions League u soo baxaan xilli ciyaareedka danbe.
Waxay taasi keentay in shaki weyn la geliyo mustaqbalka tababare Erik ten Hag, iyadoo milkiilaha cusub Sir Jim Ratcliffe la sheegay inuu raadinayo bedelka tababaraha reer Holland.
Tababarayaasha sida Gareth Southgate iyo Graham Potter ayaa lala xiriiriyay shaqada Old Trafford.
Haatan, waxaa la sheegay in Ten Hag uu iska casili karo hal sharuud.
Sida ay qortay jariirada The Mirror, Ten Hag ayaa ka tagi doona shaqadiisa tababarenimo haddii uu taageero ka waayo milkiile Ratcliffe iyo shirkadiisa INEOS oo la wareegtay maamulka kooxda.
Waxaa intaas sii dheer in la rumeysan yahay in kooxdiisa hore ee Ajax inay u soo bandhigeyso wado uu kaga tago Man United si uu iyaga ugu laabto.