Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Enzo Fernandez ayaa ka fiirsanaya inuu isaga tago kooxda sida ay sheegtay FootballTransfers.
Wakiilada ciyaaryahanka oo uu ku jiro wakiilkiisa weyn Uriel Perez ayaa bilaabay inay wadahadalo la yeeshaan kooxo kala duwan iyagoo eegaya fursadaha uu heysto xiddiga khadka dhex ee tayada leh.
Fernandez, oo Chelsea ku yimid lacag markaas rikoodh aheyd oo gaareysay 121 milyan euro ayaa ku guuldareystay inuu iska baxo filashadii laga heystay, waxaana uu ku fashilmay Stamford Bridge.
Waxaan weli kala cadeyn cida gadaal ka riixeysa bixitaanka ciyaaryahanka haddii ay ahaan laheyd ciyaaryahanka shaqsi ahaantiisa ama wakiiladiisa laakiin waxaa bixitaankiisa caqabad ku noqonaya inuu saxiixay qandaraas dhacaya sannadka 2032da, iyadoo Blues ay khiyaar u sii heysato inay sannad kale ku darsato.
Da’ yarkaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay khad dhexe dhameystiran markii uu u saxiixayay Chelsea laakiin ilaa iyo haatan qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay ma ahan mid lagu qancay.
Fernandez ayaa dhaliyay kaliya shan gool halka caawiye ka noqday seddex gool kale 49 kulan uu saftay, wuxuuna kooxda joogaa in ka badan hal sanno.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Mykhailo Mudryk uu isna isku dayay inuu Chelsea amaah uga tago bishii Janaayo si uu u nooleeyo waayihiisa ciyaareed laakiin kooxda ayaa ka diiday codsigiisa.