Xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez ayaa doortay kooxda uu doonayo inuu ku biiro, si uu uga baxdo naadigiisa hadda ee Chelsea oo uu muddo kooban kaga niyad-jabay.
Fernandez oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa January 2022 ay Chelsea kasoo bixisay £107 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay Benfica, waxaanay ahayd bil kaddib markii uu laacibkani xulka qaranka Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka.
Chelsea waxay ka saxeexday Enzo Fernandez heshiis siddeed sannadood iyo badh ah, hase yeeshee laacibkan ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxdiisa oo xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League isla markaana ka maqnaatay tartamada Yurub oo dhan.
Sidoo kale, xilli-ciyaareedkan ayay fadhiisteen kaalinta 11aad markii ay Liverpool iyo Wolves si xun u garaaceen, waxaanay natiijooyinkani niyad-jab ku rideen laacibkan oo rumaysan in uu isagu shaqadiisa qabsado laakiin aanu haysanin cid la shaqaysa.
Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Enzo Fernandez waxa uu doonayaa inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Barcelona oo la tilmaamay inuu kusoo baxayo qaab-ciyaareedkiisa, laakiin dhibaatada dhaqaale ee haysata kooxdaas ayaa iyaduna caqabad ku noqon doonta inuu rumeeyo hammigiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea oo kula jirta Enzo Fernandez heshiis soconaya illaa sannadka 2032 ayaa kaliya ogolaan karta inay laacibkeedan ku iibiso lacag aan ka yarayn intii kasoo bixisay.