Laacibka khadka dhexe ee Chelsea Enzo Fernandez ayaa ka baxsan doona ciqaabta xiriirka kubadda cagta Ingiriiska, kaddib doorkii uu ku lahaa muuqaal takoor ah oo baraha bulshada ku faafay oo uu ku jiray hadalo deelqaaf ah oo ka dhan ah xubnaha xulka France.
FIFA iyo Chelsea ayaa furay baaritaan kadib markii muuqaal baraha bulshada laga duubay kadib guushii Argentina ee Copa America uu u muuqday Fernandez iyo asxaabtiisa oo ku luuqeynaya hees cunsuri ah oo ku saabsan kooxda Faransiiska xilli ay dabaaldegayeen bishii july.
Waqtigaas, waxaa jiray calaamado muujinaya in FA-gu uu sidoo kale baari doono doorka Fernandez ee fiidiyowga iyada oo loo aqoonsaday inuu yahay ‘kaqeybgale’ kubbadda cagta Ingiriiska.
Dhaleeceyn caro leh oo loo jeedinayo isaga iyo xulka Argentina ayaa daba socotay kadib markii muuqaalkiisa Instagram-ka uu si toos ah u soo bandhigay kooxda oo qaadaysa hees takoor ah oo ay ku beegsanayaan ciyaartoyda madowga ah ee France iyo hidahooda.
Qaar ka mid ah saaxiibadii Fernandez ee Chelsea ayaa aad uga cadhooday xiddiga khadka dhexe iyada oo daafaca Blues ee Wesley Fofana uu ku tilmaamay muuqaalada mid laga yaqyaqsoodo in ay yihiin ‘cunsurinimo aan la joojin karin’, halka qaar kalena ay ka daba tageen xiddiga reer Argentine baraha bulshada iyaga oo ka jawaabaya.
23 jirkaan ayaa tan iyo markii dib loogu soo celiyay kooxda Chelsea, wuxuu ku soo bilowday seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Blues tartamada oo dhan.