Kulankan oo ahaa mid furan, oo fursado dhif ah ay abuureen labada xul ayaa waqtigii caadiga ahaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah.
Xita waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray way isku mari waayen labada xul, iyadoo ugu dambeyn xulka England ay gool ku laadyo kusoo baxday.
Daqiiqadii 75aad maruu Embolo gool u dhaliyay Switzerland taageerayaasha England ayaa quustay, waxay aaminen toos gurigooda u aadi doonan.
Balse 80 daqiiqo markay maraysay Bukayo Saka ayaa gool qurux badan ku barbareeyay.
Ka dib markii Cole Palmer uu dhaliyay rigooradii koowaad, goolhaye Jordan Pickford ayaa ka caawiyay xulkiisa inay xilli hore ka faa’iidaystaan rigooradii uu ka badbaadiyay Manuel Akanji.
Jude Bellingham, Bukayo Saka iyo Ivan Toney ayaa markaas raacsaday seddex gool oo kale, iyadoo rigooradii ugu dambeysay uu qaatayTrent Alexander-Arnold kaasi oo si qurux badan u dhaliyo goolkii shanaad.
Amiirka Wales ayaa ka mid ahaa taageerayaashii ku faraxsanaa garoonka Dusseldorf Arena, waxaana la arkayay isaga oo ka soo kacay fadhigiisii isla markaana dabaal degay kadib markii ay England heshay goolka barbaraha daqiiqadii 80 aad.
England ayaa ciyaari doonta kulankooda semi-finalka Arbacada waxayna wajihi doonaan midkood Netherlands ama Turkey.