England ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo af libaax tartanka Euro 2024 haddii ay ku dhameystaan kaalinta labaad ee group-kooda.
Xulka England ayaa ka mid ah xulalka ugu cad cad tartankan, waxay ku jiraan Group C oo ay kula wehliyaan Slovenia, Denmark, iyo Serbia.
Sida isku aadka loo sameeyay, haddii England ay ku soo baxdo kaalinta koowaad ee group-ka, waxay wajihi doontaa kooxda kaalinta seddexaad ee ugu fiican Group D, E ama F.
Austria, Czech Republic ama Slovakia ayaa markaas noqon kara xulalka ugu macquulsan ee ay ku soo aadayaan haddii ay taasi dhacdo.
Laakiin haddii England ay ku dhameystaan kaalinta labaad ee Group C markaas waxay galayaan xaalad adag oo ay adag tahay inay ka soo gudbaan.
Waxay ku soo aadi karaan wareega 16ka xulka martigelinaya tartanka ee Germany. Waxay wareega 8da isku arki karaan Spain haddii England ay ka soo gudubto Jarmalka, iyadoo Portugal ay macquul tahay inay semi-finalka isku arkaan.
Finalka waxaa ku sugi karta France taasoo noqon doona ku celiska ciyaartii wareega 8da ee Koobkii Adduunka ee 2022kii.
Tababare Southgate waxaa ka go’an inuu ciyaartoydiisa ku dardargeliyo inay kaalinta koowaad uga soo baxaan group-kooda haddii kale waxay wajihi karaan xulal waa weyn oo xiriir ah taasoo yareyn karta fursadooda inay koobka qaadaan.